Laacibka Son oo aan loo ogolayn inuu taabto telefoonka iPhone + Sababta (Daawo)

0

(Seoul) 14 Sebt 2023Fiidiyowga aad baraha bulshada ugu faafaya ayaa muujinaya Son Heung-min oo diidaya inuu qabto telefoon iPhone ah oo uu taageere u dhiibayey mar ay waydiisteen sawir, sababtoo ah wuxuu heshiis iidheh la galay shirkadda ay xifaaltamaan.

Fiidiyowgan oo la dhigay TikTok wuxuu tusinayaa taageere u dhiibaya iPhone xiddiggan Kuuriyada Koonfureed si loola galo sawir selfie ah.

Laakiin Son ayaa markii uu xaqiiqsaday in waxa loo dhiibayaa ay iPhone yihiin si asluubaysan ayuu uga cudurdaartay inuu qabto, xilli uu ag taagnaa taageere sita funaanadda Tottenham oo uu magaca Son ku dheggan yahay.

Heshiiska uu la galay Samsung dartiis, Son ma qaban karo, sawir kuma geli karo, mana xitaa taaban karo taleefannada ay taageerayaashu sitaan haddii ay soo saaristiisa leedahay shirkad ay xafiiltamaan Samsung oo laga leeyahay dalkiisa.

@stevie_king Son cant hold fans iphone to take a selfie due to his contract with samsung. #son #sonny #heuingminson #sonheungmin #spurs #tottenhamfc #tottenhamhotspur ♬ original sound – stevieking

Hadalsame Media