Kim Jong-un oo agaasimaya booqashadii ugu horreeysey ee uu Madaxwayne dalkiisa ku tago

0

(Vostochny Cosmodrome) 14 Sebt 2023 – Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ee Kim Jong-un ayaa ku casuumay Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin inuu soo booqdo DPRK, sida ay Wakaaladda Wararka ee Kuuriyada Woqooyi ee ay maamusho dowladdu sheegtayna waa la aqbalay yaboohaas.

Kim ayaa lagu soo dhoweeyay Vostochny Cosmodrome ee gobolka Bariga Fog ee Ruushka Arbacadii isagoo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaas. Kullan ayay Putin iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo Ruushka ihi kula qaateen goob dayax-gacmeedka laga gano, waxaana la sheegay in Kim uu ku casuumay Madaxwaynaha inuu si shaqsi ahaan u booqdo dalkiisa.

“Kaddib soo dhowaynta, Kim Jong-un wuxuu si xushmad leh ugu casuumay Putin inuu booqdo DPRK waqtiga ku habboon,” ayay Wakaaladda KCNA werisay, iyagoo intaas ku daray in “Putin uu aqbalay martiqaadka isagoo ku faraxsan, wuxuuna u xaqiijiyey rabitaankiisa ah inuu sii wado saaxiibtinimada soo jireenka ah ee Ruushka iyo DPRK.” ayay qoreen.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtey Afhayeenka Kremlin-ka ee Dmitry Peskov ma jiro qorshe la taaban karo oo weli loo sameeyey booqasho noocan oo kale ah.

Hadalsame Media