(Hadalsame) 14 Sebt 2023 – Tirada dhimashada ee ka dhacday magaalada dekedda leh ee Derna ee bariga Liibiya kaddib masiibada daadadka ayaa waxay gaari kartaa 20,000, sida uu Duqa Magaaladu u sheegay TV-ga Al Arabiya.
Abdulmenam al-Ghaithi waxa uu sheegay inuu rumaysan yahay in inta u dhaxaysa 18,000 ilaa 20,000 oo qof ay dhinteen, marka la eego baaxadda burburka ka dhashay daadad ku dhuftay degmooyin dhowr ah.
Dadka magaaladu kahor musiibada waxay ahaayeen ilaa 125,000 oo deggane.
Talaadadii, mas’uuliyiinta dowladda bari ee dalkan qaybsan ayaa ku qiyaasay in ugu yaraan 5,300 oo qof ay dhinteen, iyadoo sidoo kale lagu qiyaasay 10,000 tirada la la’yahay.
Duufaanta ba’an ee Daniel ee Mediterranean-ka ayaa maalintii oo Axaddii dumisay labo biyo-xireen, waxaana ay guud ahaan xaafado ku dartay badda.
Hichem Abu Chkiouat, oo ah Wasiirka Duulista Rayidka ee maamulka ka arrimiya bariga Liibiya, ayaa Arbacadii u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in in ka badan 5,300 oo qof la xaqiijiyey in ilaa hadda ay dhinteen, isagoo intaa ku daray in tiradu ay u badan tahay inay laba laabanto.
“Badda waxay si joogto ah usoo caarinaysaa daraasiin maydad ah.” Ayuu Chkiouat u sheegay Reuters Arbacadii.
Hadalsame Media