3 laacib oo ka tirsan kooxda Real Madrid oo xabsiga la dhigay kaddib markii muuqaal galmo ah oo laga duubay….

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2023 – Saddex ciyaartooy oo ka tirsan kooxda Real Madrid ayaa xabsiga la dhigay, sida shabakadda wararka Isbaanishka ee El Confidencial ayaa soo tebisey.

Warbaahinta ayaa sheegtay in xiddigahan la xiray kaddib markii hooyada dhashay gabar aan qaan-gaarin ay u tagtay booliiska oo ay u sheegtay in mid ka mid ah seddexda laacib uu duubay muuqaal qaawan oo ilmaha yar oo uu deeto u diray kuwa kale.

Waxaa xiddigahan falka xun ku kacay la xiray saaka, El Confidencial ayaa sidaas sheegtay.

Baaritaanka socda ayaa lagu soo warramayaa inay hoggaaminayaan saraakiisha ilaalada madaniga ah ee Gran Canaria sababtoo ah cabashada ayaa la sheegay in lagu gudbiyay Mogan oo dhacda koonfurta jasiiraddaasi bishan Sebtembar 6-deedii.

Ciyaartooyda, oo aan la magacaabin, ayaa lagu tilmaamay ciyaaryahan dhallinyaro ah, ciyaaryahan kayd ah iyo ciyaaryahan “koox saddexaad” u safta.

In kasta oo aysan weli soo bixinin wax caddayn ah oo bilow ah oo lagu xoojinayo sheegashadan, El Confidencial ayaa qoray: ‘Ilaha booliiska ayaa sheegaya inay jiri karaan ciyaartooy kale oo dhowr ah oo ay ku jiraan ciyaartooyda safka koowaad oo arrintan ku lug yeelan kara.’

Hadalsame Media