(Paris) 13 Sebt 2023 – Shirkadda Apple ayaa lagu amray inay si deg deg ah ugala baxaan dhammaan moodalka iPhone 12 suuqyada Faransiiska, kaddib markii ay Wakaaladda Hirbaacyada Qaranku (ANFR) ay sidaa ku dhawaaqday Talaadadii, iyada oo ku eedaysay taleefanka caanka ah inuu sii daynayo shucaaca kaah-falka leh weliba xaddi aad uga badan marka loo eego heerarka uu ogol yahay Midowga Yurub.
“ANFR waxay filaysaa Apple inay joojiso telefoonnadan. Ku guuldarraysiga arrinkaasi waxa uu keeni doonaa in dib loosoo celiyo qalabkii horay loogu diyaariyay macaamiisha,” ayay tiri hay’addu.
Sida laga soo xigtey hay’addan, baaritaanno lagu sameeyey shaybaar la aqoonsan yahay ayaa muujiyey in taleefanku uu dhaafay heerka nuugista gaarka ah (SAR) ee ay waajibiyeen Midowga Yurub, kaasoo ah afar watts-kilogram-kiiba (W/kg), oo ah kaah-falka la aqbali karo marka telefoonka gacanta lagu qabto ama la geliyo jeebka surwaalka.
Haatan, Apple waa inay si deg deg ah u joojiso iibinta noocyada iPhone 12 oo ay hesho oggolaansho kale oo ay bixinayso ANFR xitaa haddii ay u samayso cusbooneysiin kale.
Shucaaca kaah-falku wuxuu keenaa jirrooyin uu kansarku ka mid yahay.
Hadalsame Media