(Muqdisho) 12 Sebt 2023 – Waxaa beryahan ay dood kululi ka taagnayd dhallinyaro masjidka Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho u taga arrimo aan ahayn cibaadadii halkaa loo tegey ama xitaa nashaadaadka kale ee caadiyan masjid loo ogol yahay.
Haatan maamulka masjidka Cali Jimcaale ayaa go’aanno kasoo saaray arrintan iyagoo adkeeyey waxyaabo ay ka mid yihiin in gabdhuhu ay masjidka ku imaan karin dhar khafiif ah ama ku dheggan sida taraaxado iyo cabaayado aan saaxi u asturaynin jirka ama muujinaya.
Sidoo kale, gabdhaha ayaa looga digey inay qaybta ragga yimaadaan iyo inay hadda kaddib mamnuuc tahay in masjidka dhexdiisa lagu sameeyo waxyaabo aan u cuntamin sida inay isla socdaan gabar iyo wiil, xitaa hadeey is qabaan.
Go’aankan ayay maamulku sheegeen in lagu ilaalinayo dhibaatada ka dhalatay dhallinyaro aad u adeegsada baraha bulshada oo masjidka oo ka mid ah kuwa ugu waawayn uguna casrisan magaalada u tega inay muuqaallo ugasoo duubaan Tik Tok iyo Snabchat.
Hadalsame Media