Laacib ka tirsan kooxda Inter Milan oo kulamo ku seegaya nafaqa darro darteed

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2023 – Kooxda Inter Milan ayaa waloow lagu jiro biririfta caalamiga ah misna isu diyaarinaysa kulamada soo aaddan ee horyaalka Talyaaniga oo uu ugusoo horreeya midka aadka u kulul ee Derby Milano.

Yeelkeede, laacibka Alexis Sanchez ayaa la sheegayaa inuu aneemiyo ku seegay kulankii Chile ee la lahayd Uruguay, dhibaatadaasoo uu la tacaalayey in muddo ah.

Weeraryahanka ayaan wax tababar ah la qaadan asxaabta xulkiisa waxaana laga yaabaa in uuna ciyaarin kulanka Colombia ee Talaadadan maanta ah.

Tababaraha Chile Eduardo Berizzo ayaa ku adkeysanaya in Alexis Sanchez uu diyaar yahay oo uu xitaa kusoo bilaaban karo kulanka Colombia, laakiin tababarahoodii hore ee jirdhiska ayaa ka digey dhiig la’aanta haysa laacibka taasoo la micno ah in xiddigga Inter Milan ‘hubaashii uusan ku sugnayn xaalad fiican.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa kalsooni ku qabta in Inter ay ogayd xaaladan oo ay calaamadaysay inta lagu guda jirey tijaabada caafimaadka markii uu ka yimid kooxda Olympique Marseille oo uu ugasoo wareegey qaabka xorta ah maalmihii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga, sidaas darteed kama welwelayaan soo shaac baxa khabarkan, balse waa inay arrinta ula xaalaan si deg deg ah.

Alexis Sanchez slams the door!

Hadalsame Media