(Torino) 12 Sebt 2023 – War qoraal ah oo kasoo baxay Juventus ayaa lagu xaqiijiyey inay haatan warbixin rasmi ah ka heleen maxkamada Qaranka ee La-dagaallanka Daroogo qaadashada ee la xiriirta Paul Pogba.
“Pogba waxaa shaqada looga joojiyey dembi la xiriira daroogo qaadasho – kooxduna waxay ka fiirsan doontaa sida loo qaadayo tillaabooyinka soo socda ee geeddi-socodkan.” ayuu lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Bianconeri.
Kooxda Juventus oo haatan ciyaaraha kooxaha Yurub uga ganaaxan musuq lagu qabtay, ayaa sidoo kale baxar ku geli karta arrintan, iyadoo sida ay qabto Calciomercatto la eegi karo sababta ay dhakhaatiirta Juventus u ogaan waayeen ama u sheegi waayeen arrintan.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Manchester United ayaa la baaray kaddib guushii Juventus ee Udinese 20-kii Agoosto, iyadoo la ogaadey inuu qaatay dhecaanka testosterone, oo ah hormoon kordhiya adkaysiga ciyaartooyda.
Waxa uuna halis ugu jiraa in ciyaaraha laga joojiyo ilaa 4 sano.
Hadalsame Media