XOG: Maamulka SSC Khaatumo oo sii daynaya qaar ka mid ah maxaabiista ay hayaan + Sababta

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2023 – Maamulka SSC ayaa lagu wadaa inay sii daayaan qaar ka mid ah maxaabiistii 25-kii bishii tagtay lagu qabtay dagaalkii Goojacadde.

Sida aanu xogta ku helayno waxaa dadka haatan lasii daynayo ay yihiin ilaa 4 maxbuus oo ay ku jiraan 2 nin oo qaba dhaawacyo daran.

Waxaa kale oo lasii daynayaa 2 qof oo kale oo kala ah haweenay xaas u ahayd mid ka mid ah taliyayaashii ciidanka Somaliland iyo wiil yar oo 16-jir ah.

Waxaa la sheegay in sidoo kale la sii dayn karo maxaabiista kale ee dhaawacan iyadoo loo eegayo xaalad bini’aadminnimo waxaana lagu wareejinayaa laanqayrta cas ee ICRC.

Hadalsame Media