Xildhibaanno ku dhintay dagaalka Ceelgaras & Waxa lagu diley oo ay warar is khilaafsani kasoo baxayaan

0

(Ceelgaras) 11 Sebt 2023 – Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaare ka dhacay degaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maanta dagaal lagaga saaray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Ceelgaras xoreeyey oo ka kooban Ciidanka Xoogga iyo dadka degaanka ayaa gebi ahaanba Shabaabka ka saaray magaaladan oo ay muddo dheer haysteen.

Ha yeeshee, waxaa halkaa ku dhintay laba xildhibaan oo ka tirsan Maamulka Galmudug oo ay wararka qaarkood sheegayaan inay dagaalka ku dhinteen, halka qaar kale ay tibaaxayaan in lagu diley qarax miino oo loo dhigay.

Si kastaba, ragga madaxda ah ee dhintay waa Xildhibaan Maxamed Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Maamul-goboleedka Galmudug iyo xildhibaan Cabdullaahi Ibraahim oo isna ka mid ah Golaha Degaanka ee Degmada Dhuusamareeb.

Labada xildhibaan ayaa isla goobta ku geeriyootay, waxaa kale oo weerarkani uu khasaare dhaawac ah soo gaarsiiyey askartii kale ee ilaalada u ahayd labada xildhibaan ee geeriyoodey oo haatan maydadkooda la geeyey magaalada Dhuusamareeb.

Farxaan Xalane oo ehel la ah xildhibaannada ayaa Hadalsame Media u sheegay inay xildhibaannadu dagaalka ku dhinteen ee aan qarax lagu dilin.

Hadalsame Media