”Waa koox bilaa karti ah” – Kooxda Man United oo aan sii iibin karin funaanad sidata magaca Højlund & Sabab la yaab leh

0

(Manchester) 11 Sebt 2023 – Dukaanka naadiga Manchester United ayaa awoodi waayey inuu iibiyo funaanadaha ay ku qoran yihiin magaca weeraryahanka cusub ee ay £75 milyan ginni ku keeneen ee Rasmus Højlund in ka badan hal bil – sababtoo ah waxay waayeen xarafka ‘ø’ ee Danish-ka.

Taageerayaasha oo niyad jabsan ayaa kooxda ku tilmaamay mid aan naf badan lahayn markii loo sheegay in dukaanka Old Trafford Megastore uu sugayo imaatinka xarafka ø si loogu qoro magaca laacibka.

Højlund wuxuu ka yimid Atalanta bilowgii Agoosto. Laakin taageerayaashii isku dayey inay iibsadaan funaandda 20-jirkan jimcaha ayaa loo sheegay in naadigu weli sugayo xarafka, balse uu iman doono waxayna ballanqaadeen Arbacada.

In kasta oo dadka qaar ay u arki karaan arrinta mid fudud, misna mid ka mid ah taageerayaasha United ayaa sheegay inay tani tilmaan u tahay sida masuuliyiinta kooxdu aysan u xallin karin ‘waxyaabaha ugu yar ee aasaasiga ah’, xilli ay guud ahaan xaalad adagi haysto camaaliqada Premier League.

‘Waa karti la’aan,’ ayuu ku dooday taageere kale oo loo waayey funaanad uu dhabarka uga qoran yahay magaca wiilkan si uu haddiyad dhalasho uga dhigo qof qaraabo ah.

“Waa saxiixii ugu waynaa ee xagaaga welina ma heli kartaan funaanad uu ku qoran yahay magaciisu sababtoo ah waxaa la la’yahay xarafka Danish-ka ee ø. Waa yax yax.” ayuu raaciyey.

United insist that the ¿øs¿ arrived on Thursday and added that the shirts are now on sale

Hadalsame Media