(Hadalsame) 11 Sebt 2023 – Madaxa Hay’adda Sirdoonka Dibedda ugu qaysan Israa’iil ee Mossad ayaa walaac ka muujiyey in Ruushku uu siiyo Iran hub casri ah iyo agab cayriin ah, taasoo khatar gelinaysa ammaanka qaranka Israa’iil, sida uu yiri.
Isagoo ka hadlayey shir sanadle ah oo ka dhacay Machadka Siyaasadda La-dagaallanka Argagixisada ee Jaamacadda Reichman ee Herzliya Axaddii, Agaasimaha Mossad ee David Barnea ayaa wuxuu sheegay in Tehraan ay siisay Moscow diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is miidaamiya (Kamikaze) kaddib markii uu bilowday dagaalka Ruushka iyo Ukraine bishii Febraayo 2022-kii.
“Cabsideenna ayaa ah in Ruushku u wareejiyo Iran waxa ka maqan, taasoo ah hub horumarsan oo dhab ahaantii halis gelin doona nabadeenna, iyo xitaa jiritaankeenna halkan,” ayuu Barnea yiri, sida laga soo xigtey Times of Israel.
Barnea ayaa Tehraan ku eedeeyey inay adeegsato “dagaal wakaaladeed” si ay u weerarto Yuhuudda ku sugan Israa’iil iyo dibeddaba, isaga oo ka digey in Jamhuuriyadda Islaamiga ahi ay raadinayso habab ay kusoo iibsato tignoolajiyadda gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee aadka u awoodda badan.
Ukraine iyo dalalka Gaashaanbuurta NATO ayaa sidoo kale horay Iran ugu eedeeyey inay Ruushka siisay daroonnada Shahed-136.
Hadalsame Media