(Manchester) 10 Sebt 2023 – Laacibka Antony ayaa waxa lagu amray inuu ka fogaado xerada tababarka Manchester United ilaa amar dambe iyadoo xiddiga Brazil uu wajahayo eedaymo la xiriira xadgudub ama cunfi-guri, sida ay kooxdu haatan ku dhawaaqday.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee 23-sano jir ah ayaanse weli wax ganaax ah la saarin, waxaana la siiyey fasax uu ku qaadanayo mushaarkiisa oo buuxa si loo siiyo waqti uu isaga difaaco sheegashada seddex dumar ah oo wada eedeeynaya.
Laakiin ilo wareedyo ayaa sheegaya in tallaabada Man United ay ka tarjumayso halisnimada xaalada iyo sida ay kooxdu u aragto, iyadoo sii wadi doonta inay dib u eegis ku samayso.
Bayaanka ay soo saartay, oo daba socda wada-hadallo dhex maray madaxa fulinta Richard Arnold iyo macallin Erik ten Hag, ayaa daba socda go’aankii xulka Brazil uu safkiisa kaga saaray Antony ciyaaraha isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayeen Bolivia iyo Peru habeenkii Isniinta.
Waxay u ay farriintu u qornayd: ‘Manchester United waxay qiraysaa eedaymaha loo soo jeediyey Antony. Ciyaartooyda aan ka qaybgelin ciyaaraha caalamiga ah ayaa kusoo laabanaya tababarka Isniinta.
”Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagula heshiiyey Antony inuu dib u dhigo soo laabashadiisa ilaa amar dambe si wax looga qabto eedeymaha.”
Galbeedka ayaa waxaa kusoo badanaya haweenka ka cabanaya cunfi-guriga, kuwaasoo qaar badan oo ka tirsani ay eedo aan jirin saaraan ragga lacagta haysta si ay lacago ugu xukumaan maxkamadaha madaniga ihi, waxaa kiisaskaa ugu caansanaa Johney Depp, Kevin Costnar iyo Mendy.
Hadalsame Media