”Mararka qaar xadka diblomaasiyadda ayay ka baxayaan” – Ukraine oo hanjabaad culus u dirtay Poland & Wasiir Dibadeedka dalkaas oo ka jawaabey + Sababta

0

(Warsaw) 10 Sebt 2023 – Xeeladaha cadaadis ee Ukraine ee ku saabsan mamnuucida Poland ee shixnadaha badarka dalkaasi ayaan noqon doonin kuwo shaqayn doona, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Midowga Yurub ee Poland, Szymon Szynkowski vel Sek, kaasoo ka jawaabaya hanjabaadda Kiev ee ah inay arrinta u gudbinayso Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Sida laga soo xigtey diblamaasiga ugu wayn dalkaasi, Warsaw lama dhicin tallaabadan oo kale, maadaama ilaalinta danaha beeralayda iyo muwaadiniinta Poland ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdooda.

“Tani waa hanjabaad, waa qayb kale oo cadaadis ah oo ka imanaysa dhinaca Ukraine,” ayuu yiri. “Waxyaabahan ayaa mararka qaarkood ka gudba xuduudaha qaar ee diblomaasiyadda qadiimiga ah.” ayuu raaciyey.

Szynkowski vel Sek ayaa intaa ku daray in maamulka Poland aysan qorshaynaynin inay qaadaan xayiraadda lagu soo rogey in badarka Ukraine loosoo dhoofiyo Poland marka uu dhaco heshiiska haatan jira kaasoo ku eg 15-ka bishan Sebtembar.

Dhoofinta badarka Ukraine, oo ah badeecadeeda ganacsi ee ugu wayn, ayaa hadda laga mamnuucay suuqyada dalalka Poland, Hungary, iyo saddex waddan oo kale oo Midowga Yurub ah iyada oo la raacayo heshiis ay la galeen Komishanka Yurub horraantii sanadkan si loo ilaaliyo danaha beeralayda dalalka EU oo dhib kasoo gaarey raashinkan rakhiista ah ee ay suuqyadooda ku hafiyeen beeralayda Ukraine.

Hadalsame Media