Maalintii uu Maraykanku go’aansaday inuusan Somalia saldhig ka samaysan & Waxa ka dhacay Berbera (Dal aan saaxiib u aragno oo nagu dirayey)

0

(Hadalsame) 10 Sebt 2023 – Markii aan beri dhowayd arkay iyadoo garoomo iyo beero green house ah dhisaysa, waxaan is iri “war Soomaalidu dhankii roobka ayay u ruqaansatay”, kaddib waa ta mar qura sidii 90-kii baroon iyo beebbe fuushay. Belo idinla fudayd badnaatay.

Waxyaabaha ay dunidu u neceb tahay la macaamilka Soomaalida ee ay ku xamato waxaa ugu daran inaan nahay “duul aan la saadaalin karin oo hal mar 180 digrii wareegi kara”, yacni fudud iyo midda kale oo ah inaan nahay ummad ay qiiradu markiiba ka saa’id calayn karto. Ogoow marka aad qiirooto (being emotional), waa adag tahay inaad gaarto go’aan waaqici ah.

Qiirada waxaa noo raacda inaynaan ahayn ummad u diyaarsan raacista nidaamka iyo hab-raacyada, balse si iskeed ah iskaga socota iyadoo aan wax xeer ah la xeerinaynin.

Waxaan beri dhexdeer ah meel ka aqriyey xogo sirdoon (cables) ay faafiyeen CIA-du (declassified), waxaa ku qoran inay horraantii 80meeyadii doonayeen la macaamilka Somalia oo xilligaa weli doojinaysa jabkii dagaalkii aan sida fiican looga fikirin ee 77 iyo cayrintii dalkii qura ee xoogga aan ku faanayney dhisay ee Soofiyeetka (fudayd badanaa).

Deeto waxaa lagu heshiiyey in dhoollatus wada jir ah ay Somalia iyo Maraykanku ku sameeyaan Garoonka Berbera.

Maraykanku wuxuu madaadaalinayey aragti ahayd inuu Berbera oo meel istaraatiji ah ku taalla sida guud ahaanba Somalia uu ka dhigto saldhig ciidan, goob uu shidaalka ka qaato iyo xitaa meel laga gano dayax-gacmeedka oo aan maalin kale ka hadli doono sababta ay Somalia ugu habboon tahay. Wuxuuna Somalia siiyey gargaar dhan $600 milyan oo Doollar.

Dhoollatuskaa oo la magac baxay Eastern Wind 83 kuna beegnaa 1983-kii, waxa ay Maraykanku sheegeen in Ciidanka Xoogga Somalia ay sidoo kale ku fashilmeen wax kastoo kale oo bandhig ciidan ah islamarkaana ay ku liiteen dishibiliinka iyo habraacyada ciidanka marka la eego heerka caalami.

Yeelkeede, waxaa dhacday in ciidankii Maraykanka oo soo degaya ay Su-23 kala daaleen ciidankii Somalia, markii la is waydiiyayna waxay si deggan u yiraahdeen “khalad baa dhacay.”

Maraykanku orodkii uu qaaday wuxuu sheegay inuu u wareegayo dalalka Khaliijka, Gasiiradda Diego Garcia oo uu UK ka ijaartey balse ka tirsan Comoros oo xoog laga haysto iyo Kenya oo uu ku tilmaamay “kuwo la isku hallayn karo”, yacni aan madax yareyaal ahayn. War adduunyada Ilaahay.

Tan ugu darani waa in dalalkii Maraykanka ku qalqaalinayey inuusan Somalia waxba ku darsan uu ugu horreeyey Sucuudiga oo aan aalaaba sheegno inuu ”xiriir taariikhi ihi nagala dhexeeyo”, balse iyagu aan marna bareeg noo qaban.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media