Israel oo sheegtay dhib ay mar kasta ku qabto Somalia & Muran ka dhex taagan oo ku saabsan xiriir lala yeesho

0

(Tel Aviv) 10 Sebt 2023 – Wasiirka Arrimaha Dibedda Israa’iil, Eli Cohen, ayaa qorshaynaya inuu caadi ka dhigo xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, balse waxa uu wajahayaa mucaaradad uga imaanaysa Golaha Ammaanka Israa’iil, sida ay ku warrantay warbaahinta Cibraaniga Jimcihii.

Sida laga soo xigtay The Times of Israel, Madaxa Golaha Ammaanka Qaranka, Tzachi Hanegbi, ayaa ka soo horjeeda xiriirka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Israel aysan wax dan ah ka lahayn xiriirka mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha liita adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, Cohen laftiisu wuu sheegay danta uu leeyahay oo waxa uu rabaa in uu caadi ka dhigo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya si uu codkeeda uga helo fagaarayaasha caalamiga ah ee ay had iyo good uga codeeyaan Israa’iil.

Wargayska Israeli-ga ah ayaa waxa uu tilmaamay xiisadda daba-dheeraatay ee u dhaxaysa Golaha Ammaanka Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda kaasoo soo taxnaa ilaa sannadkii 2014-kii markii awoodda Wasaaradda qaar loo wareejiyey Golahan.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Cohen ay u badan tahay inuu la kulmay xubno ku dhow dhow Madaxwaynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Cohen waxa uu isku dayey inuu xiriir la sameeyo Soomaaliya oo aan weligood xiriir la yeelan Israa’iil, islamarkaana aan ogolayn in Israa’iiliyiintu ay tagaan dhulkeeda, ayuu qoray warqaadka The Times of Israel.

Hadalsame Media