DEG DEG: Shaqaaqo ka taagan albaabka laga galo Xerada Xalane (Askari Ugandan ah & Nin Soomaali ah oo dhintay)

0

(Muqdisho) 10 Sebt 2023 – War haatan soo dhacaya ayaa sheegaya inay xiisadi ka taagan tahay albaabka Madiina Gate oo ah albaabka laga galo Xarunta sida aadka ah loo ilaaliyo ee Xalane.

Warar goor dhow ay heshay Somali Cable ayaa xaqiijinaya inay xiisad ka taagan tahay albaabka laga galo Xaruunta Xalane ee Muqdisho kaddib markii uu halkaa muwaadin Soomaaliyeed uu ku toorriyeeyey kuna dilay askari u dhashay dalka Uganda, sida uu baahiyey isla hilinku.

Labada nin ayaa la sheegayaa inay murmeen dilka kahor, ha yeeshee, dilka kaddib ayaa la sheegayaa in Ciidamada Xoogga Uganda ee UPDF ee ku sugnaa goobtu ay iyaguna durbadiiba toogteen muwaadinkii Soomaaliyeed ee dilka gaystey.

Waxaa shilkaa dartii hadda xanniban dhaqdhaqaaqa Madina Gate halkaasoo ciidamo fara badani ay iminka soo buux dhaafiyeen.

Hadalsame Media