(Hadalsame) 10 Sebt 2023 – Somalia waa dal xoolo dhaqato ah oo ay ku dhaqan yihiin malaayiin madax oo xoolo nool oo kala nooca ah, balse ay wayni dhibaato ka haysato maarayntooda gaar ahaan dhanka calafka xoolaha.
Waxaa dhibaatooyinka marka laga soo tago midda dabiiciga ah ee roob yarida iyo dalka oo inta badan lama degaan xigeen ah soo raacda maamul xumo, colaado, qorshe midaysan la’aan iwm., oo wada ah xaalado dad samee ah oo la sixi karo haddii baraarug lala yimaado.
Calafka xooluhu waxa uu badbaado u yahay nolosha xoolaha xilliyada abaarta oo aanay heli karin cowskii iyo baadkii daabiici u baxa ahaa, iyadoo Soomaalida lagu tilmaamo xoolo raacato oo aysan ahayn xoolo dhaqato maadaama aysan ka helin faa’iidada laga heli karo maadaama aysan xoolihii iyo qofkii lahaaba ay isku ag dhimanayaan.
Cabdiraxmaan Sabriye oo ah fallaax bartay culuunta beeraha iyo daaqa oo horay u sheegay inay sameeyeen beer lagu beero cows loogu tala galay in xoolaha la siiyo kaasoo ah mid si wayn ay Somalia haatan ugu baahan tahay, maadaama laga soo saari karo 23,000kg oo calafka xoolaha ah 30-kii maalinba, kuwaasoo ay cuni karaan 150 Neef oo ari ah, ayaa iminka sheegay inay soo kordhiyeen farsamo kale oo casri ah.
Beertan calafka xoolaha oo ku taalla meel u dhow degaanka Saqiirro ee duleedka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la keenay cagafyada cowska gura misna xirxira si loo kaydiyo ama loogu qaado meelo fog fog, taasoo ah farsamo dunida laga adeegsado oo baahi wayn loo qabay.
Waxay markiiba xirxiri kartaa ugu yaraan ilaa 20kg oo cows ah.
Halkan hoose ka DAAWO...
Hadalsame Media