(Manchester) 07 Sebt 2023 – Kooxda Manchester United ayaa lagu eedeeyey inay isku dayday inay qariso eedaymaha sheegaya in xiddigga reer Brazil Antony uu weeraray oo waxyeelleeyey saaxiibtiisii hore.
Eedayntan shaacday ayaa waxa soo gudbiyey Gabriela Cavallin iyo qareenadeeda oo gaarsiisey booliiska madaniga ah ee Sao Paulo kuwaasoo baaraya eedaymaha weerarka iyaga oo kaashanaya Greater Manchester Police.
United ayaa ku tilmaantay soo jeedin kasta oo ku saabsan qarinta eedda la isu haysto mid ‘mid been abuur ah’ habeennimadii Arbacadii xalay oo ay bayaan soo saartay.
Qareennada Cavallin ayaa ku andacoonaya in sarkaal caafimaad oo ay halkaa u dirtay United uu isku dayey inuu qariyo weerarka isaga oo wacay dhakhtarka naadiga si uu u qiimeeyo waxa gabadha gaarey si aysan u tagin isbitaal oo aysan u keenin wax shaki ah.
Warbixinno kasoo baxay Brazil Arbacadii ayaa iyana sheegay inay ka codsadeen booliiska Sao Paulo inay baaraan doorka sarkaalka ka socdey United uu ku leeyahay dhacdada, qarreenada ayaa sidoo kale codsaday muuqaalkii CCTV-ga ee hoteelka.
United ayaa xaqiijisay habeenimadii Arbacadii xalay in xubin ka mid ah shaqaalaha kooxdu ay u diyaarisay dhakhtar gaar ah inuu ku booqdo Cavallin taasoo ku timid codsiga Antony, laakiin waxay beenisay inay gabadha daaweeyeen shaqaalaha caafimaadka kooxdu, iyadoo ay caadiyan dhacdo in dhakhaatiirta kooxda loo diro qoysaska ciyaartooyda.
War qoraal ah oo kasoo baxay Man United ayaa lagu yiri: ‘Soo jeedin kasta oo ku saabsan in kooxdu ay ku qarisay eedaymahan waa kuwo been abuur.’
Hadalsame Media