XOG: Mbappe oo ay u badan tahay inuu ku biiro koox ka ciyaarta Horyaalka EPL (Muxuu ku jeclaaday?)

0

(Paris) 06 Sebt 2023 – Xiddigga France iyo Paris Saint Germain ee Kylian Mbappe ayaa laga yaabaa inuu ku dambeeyo horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Weeraryahanku waxa uu qarka u saaran yahay inuu heshiis kordhin u sameeyo PSG si uu naadigiisa u siiyo fursad ay ku helaan lacag khidmad oo ku aaddan adeeggiisa marka uu tago xagaaga soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, L’Equipe ayaa sheegaysa in Mbappe uu aad ugu furan yahay fikradda ku biirista Liverpool xagaaga soo socda. Mbappe waxaa uu taageere u yahay macallin Jurgen Klopp iyo taariikhda kooxdan camaaliqada ah.

Waxa uu sidoo kale aaminsan yahay in qaab ciyaareedkiisa uu ku habboon yahay qaabka ay u ciyaaraan, halka Reds laga yaabo inay u baahan tahay xirfadda laacibkan farsamada iyo orodka badan.

Tiiyoo ay jirto xanta ah in Mohamed Salah uu aadayo Sucuudiga xagaagan ama sannad kadib, Mbappe ayaa noqon doona beddelka ugu habboon.

Hadalsame Media