(Moscow) 06 Sebt 2023 – Cuntada deg degga ah ee Ruushka ee Vkusno i Tochka ayaa ka codsaday oggolaansho shirkaddii hore ee ay bedeleen ee McDonald’s, si ay makhaayado uga furtaan magaalada Shiinaha ee Heihe, sida ay TASS werisey.
Vkusno i Tochka (\Dhadhanka oo qura’) waa McDonald’s oo nooc dib loo qaabeeyey ay uga shaqeeyaan Ruushka, si ay uga sii shaqeeyaan Ruushka kahor intaysan bixin cunaqabataynta darteed. Waxay se macaamiisheeda siiyaaan cunto iyo menu-gii asalka ahaa.
Sida laga soo xigtey milkiilaha shirkaddan Ruushka ah, Aleksandr Govor, Vkusno i Tochka ayaa codsi ka heshay magaalada Shiinaha ee ku taal ee daanta kale uga taal webiga Amur ee sidoo kale mara magaalada Ruushka ah ee Blagoveshchensk.
Sida ku cad shuruudaha heshiiska u dhexeeya Govor iyo shirkadda wayn ee cuntada deg dega ah ee Maraykanka kaddib markii ay go’aansadeen inay ka baxaan suuqa Ruushka, Vkusno i Tochka kama furi karaan makhaayado silsilad ah dalalka uu ka shaqeeyo McDonald’s
Hadalsame Media