(Manchester) 06 Sebt 2023 – Uma badna in colaada u dhaxaysa Ukraine iyo Ruushka ay soo afjaranto waqti dhow,sida uu sheegay Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan oo la hadlay saxafiyiinta Talaadadii. Waxa uu intaa ku daray in Ankara ay sii wadi doonto dadaallada nabadda, diblomaasiyadda iyo wada xaajoodka.
Kaddib kulankii uu la yeeshay dhiggiisa Ruushka ee Vladimir Putin oo ay ku kulmeen Sochi Isniintii, Erdogan ayaa u sheegay weriyeyaasha markii uu kusoo laabtay dalkiisa in Turkigu uu dadaal wayn u galay sidii loo joojin lahaa colaadda Ukraine, baaqyadeeda nabadeedna ay yihiin kuwo aan waxba iska beddelin tan iyo markii uu bilowday dagaalkani bishii Febraayo 2022-kii.
“Nasiib darrose, dagaalka, oo socdey muddo sannad iyo bar ah, ayaa weli socda,” Erdogan ayaa xusay, isaga oo raaciyey “ma jiraan wax rajo ah oo soo muuqda oo ku wajahan sidii nabad loo gaari lahaa.”
Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha Turkiga ayaa sheegay in Ankara ay sii wadi doonto inay ku celceliso “in aysan jirin cid ku guuleysanaysa dagaalka, mana jirto cid ku guuldarraysanaysa nabadda.”
“Waxaan diyaar u nahay inaan kaalinteenna ka qaadanno haddii ay dhinacyadu muujiyaan rabitaan noocaas ah. Waxaan sidoo kale sii wadi doonnaa inaan ka ciyaarno doorka dhexdhexaadinta arrimaha ay ka midka yihiin isdhaafsiga maxaabiista iyo wershadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporozhye.” ayuu yiri Erdogan oo halkaa u tegey inuu ka odayeeyo heshiiska dhoofinta badarka oo uu Ruushku ka baxay.
Hadalsame Media