(Maxaas) 06 Sebt 2023 – Waxaa aad baraha bulshada looga hadal hayaa sawirka MW Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wiilkiisa Cabdifitaax Xasan Sheekh.
Sawirka oo muujinaya Madaxwaynaha iyo wiilkiisa oo wada xiran dharka tuutaha ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ayay dadku aad uga fal-celiyeen, weliba waxay ka dhiibteen aragti aad u kala fog oo hadba ku xiran sida uu qofku u fikirayo iyo halka uu wax ka jeedaalinayo.
Mid baa soo qoray: ”Qoysku ma dalxiis aya isu raaceen?”. Halka mid kale uu ku dooday: ” Madax ilmahooda dibadda gaysata si aysan wax ugaarin ayaan arki Jirnay, laakiin MW HSM haddii uu wiilkiisa tuute iyo boosh u geliyey ka go’naan ayaa ka muuqata.”
Gabar ayaa soo qortay: Kalsoooni darro ayay muujinaysaa haddii ay runtahayba.”
Mid ayaa qoray: ”Farmaajo wiilkiisa Yurub ama America ayuu ku noolaa halka wiilka Xasan furinta joogo la kala tag orodse maaha.”
Gabar kale ayaa soo jeedisey: ”Kuwa dagaalka kujira mu ka duwan yahay qoriga ha qaato oo safka hore dagaalka ha galo kuwa la mid ah ayaa dhimanaya oo hooyo dhashay e.”
Mid kale ayaa yiri: ”Heerka kalsooni daro ee uu Xasan ku qabo Ciidanka Qaranka halkaas ayay maraysaa. Igu sawirta meel ma lagu gaari karaa?”
Marka aad eegto inta badan aragtida dadwaynuhu sawirkan ka dhiibteen waxaa kor soo maray laba aragtiyood oo is diiddan oo kala ah:
1 – Koox ku doodaysa in arrintani muujinayso kalsooni darro uu Madaxwaynuhu ku qabo nidaamka uu hoggaamiyo.
2 – Kooox kale oo ku doodaysa in Madaxwaynuhu uu muujiyey naf-hurnimo dheeri ah maadaama uu carruurtiisii geeyey furinta dagaalka.
Hadalsame Media