Bahal aad u dheer oo la garan waayey oo lagu arkay haro ku taalla Shiinaha (Daawo)

0

(Shanghai) 06 Sebt 2023 – Haweeney ku nool dalka China ayaa duubtay noole dhererkiisu dhan yahay ilaa 50 cagood oo gaylaclaynaya oogada haro yar oo ku taalla dalkaasi, wax aan la garanayn oo la barbar dhigay bahalka aadka looga sheekeeyo ee Loch Ness.

Ms Li waxa ay sheegtay inay noolahan yaabka leh aragtay xilli ay booqatay harada Tianchi ee woqooyi-galbeed Shiinaha 31-kii Agoosto. Ms Li, oo ka timid Shanghai, ayaa sheegtay in ay maqashay wax u eg kalluun ku dhex dabaalanaya biyaha oo dhawaqiisa la maqlayo.

Waxay ku andacootay in makhluuqani uu u socday qaab caadi ah, islamarkaana uu si xawli ah u dabaalanayey.

Yeelkeede, shaqaalihii goobta ayaa markii dambe ka jawaabay iyagoo sheegay in tayada muuqaalka oo aan caddayn iyo sharraxaad cad oo aan la hayn awgeed, ay garan waayeen waxa dhabtii uu yahay makhluuqani.

Waxay u sheegtay warbaahinta maxalliga ah: ‘Markii hore, waxaan moodayey inay noqon karaan dhowr kalluun oo wada socda, laakiin markii aan si dhow ugu fiirsaday, waxay ahayd wax dheer oo midab qalin ah leh. “Waxay u ekayd inuu dhererkiisu noqon karo ilaa 15 mitir [50 cagood].’

Muuqaallo taleefoonka ay ku duubtay Ms Li ayaa muujinaya wax dheer oo laga arki karo oogada biyaha oo samaynayo dhawaq iyo mowjado yar yar.

Hadalsame Media