(Moscow) 04 Sebt 2023 – Dhuumaha Ruushka ee gaaska dabiiciga ah u qaada dalka Turkiga ayaa la kulmay weerarro joogto ah oo ay gaysanayaan gujisyada aanay cidina wadin ee laga soo diro dekedaha Ukraine, sida uu sheegay Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin Isniintii.
Isagoo tixraacaya dhuumaha gaaska ee Blue Stream iyo TurkStream, Madaxwaynaha Ruushka ayaa eedayntan jeediyey mar uu la kulmay Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay isku arkeen Sochi.
“Maraakiibteennu waxay ilaaliyaan dhuumaha gaaska qaada, waxaana loo weeraraa si joogto ah, kuwaasoo ay ku jiraan kaalmaysiga gujisyada aan darawallada lahayn ee laga hago dekedaha Badda Madow ee Ukraine.” ayuu yiri Putin.
Warka Putin ayaa yimid maalin uun kaddib markii ay Ciidamada Ruushku weerareen dekedaha Ukraine ee ku yaalla wabiga Danube ee loo isticmaalo dhoofinta cuntada Axadii, maalin kahor kulanka MadaxwAynaha Ruushka ee Vladimir Putin uu la yeeshay Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan oo kala hadlaya soo noolaynta heshiiskii dhoofinta badarka Ukraine.
Hadalsame Media