(Colon) 05 Sebt 2023 – Daafaca xulka qaranka Panama ee Gilberto Hernandez ayaa la toogtey oo la diley isagoo 26 jir ahaa. Laacibka aabihii ayaa codsaday in lasoo xiro kuwa diley wiilkiisa oo loo badinayo kooxaha gaangiska.
MAAMULKA Horyaalka kubbadda cagta Panama ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey warkan. Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Colon laakiin ma cadda in Hernandez uu ahaa bartilmaameedka weerarka. Todoba qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilkaasi.
Hernandez ayaa laba jeer u ciyaaray dalkiisa hal kulanna waxa uu yimid guuldarradii 2-0 ahayd ee ka badisay kooxda Argentina, halkaas oo Lionel Messi uu gool ka dhaliyey, bishii Maarso ee sanadkan.
Waxa ay aheyd ciyaartii ugu horreeysey ee Argentina ay ku hor ciyaaraan taageerayaasha garoonkooda tan iyo markii ay ku guulaysteen Koobka Adduunka ee Qadar sanadkii hore.
Hernandez waxa uu u ciyaarayey kooxda Panama ee Independiente waqtigan dhimashadiisa.
Mase aha laacibkii ugu horreeyey ee magaaladan lagu dilo. Bishii Abriil 2017-kii, ciyaaryahan kale oo Panama – Amilcar Henriquez – ayaa lagu toogtey oo lagu diley Colon.
Hadalsame Media