Kaddib Greenood, Man United oo lagu khasbi karo inay cayriso Antony kaddib fal halis ah oo lagu eedeeyey (Muxuu sameeyey?)

0

(Manchester) 05 Sebt 2023 – Kooxda Manchester United ayaa u muuqata mid lagu jiiday duufaan kale oo cunfi-guri ah kaddib markii Brazil ay xulka ka cayrisey Antony markii lagu eedeeyey inuu weeraray saaxiibtiisii hore.

Maalmo uun kaddib markii ay United albaabka tustay Mason Greenwood, Gabriela Cavallin ayaa waxa ay sheegtay in Antony uu weeraray iyadoo uur leh, deetana uu waxyeelleeyey caag macmal ah oo ay naasaha gashatay, islamarkaana uu jirkeeda xagatimo gaarsiiyey isagoo ugu hanjabaya inuu ka tuurayo gaari xawli ku socda.

23-jirka garabka ka ciyaara ayaa soo saaray bayaan uu ku beeninayo eedaymaha habeenkii Isniintii xalay, laakiin Brazil ayaa ka saartay xulka kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee Bolivia iyo Peru, waxayna u yeertay bedelkiisa qannaaska Arsenal ee Gabriel Jesus.

Xiriirka FA-ga Brazil ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen: ‘Si loo ilaaliyo dhibbanaha eed sheeganaya, ciyaaryahanka, xulka qaranka Brazil iyo Xiriirka CBF, ay ku heshiiyeen in Antony laga saaro xulka qaranka Brazil.

United ayaa diidey inay ka hadasho arrintan, laakiin haddana waxa laga yaabaa inay cadaadis la kulanto si ay tallaabo u qaaddo in yar uun kaddib markii ay shaqada ka joojisey Greenwood 18 bilood kaddib markii loo xiray isku day kufsi iyo weerar bishii Janaayo 2022-kii.

Hadalsame Media