(Roma) 04 Sebt 2023 – Laacibka khadka dhexe ee Ruben Loftus-Cheek oo durba ka mid noqday laacibiinta muhimka ah ee AC Milan ayay bedelkiisa doodi ka dhalatay Jimcihii.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingariiska ayaa waqti yar ku qaatay inuu la qabsado hababka iyo shaxda kooxda macallin Stefano Pioli, balse kabtan xigeenka Milan ee Theo Hernandez ayaa dood ka keenay bedelkiisa.
Xilli Rossoneri nin la dheer yahay kaddib roosihii Tomori oo gegada laga cayriyey kaddib kaarka 2-aad ee jaallaha ah (kaasoo uu ku seegi doona kulanka Derby Milano), tababaraha ayaa doortay inuu bedelo ciyaaryahankii hore ee Chelsea, kaasoo horey jaalle isna u qaatay.
Muuqaal soo baxay (hoos ka eeg) ayaa wuxuu muujinayaa Theo iyo Rafael Leao oo ku wareersan go’aanka kaddib markii ay ogaadeen in Loftus-Cheek la bedeley. Daafaca bidix ayaa la arkayaa xitaa isagoo waydiinaya Pioli sababta uu u bixinayo, isaga oo tilmaamaya inay u baahan yihiin xooggiisa iyo tamartiisa.
Waxaa deeto la arkayaa macallinka oo tilmaamaya wax u eg “Wuxuu qaatay jaalle, wuu qaatay jaalle” ayaa ku qeylinaya tababaraha, laakiin Theo ayaan xitaa middaa ku qancin.
😂 Is this @TheoHernandez telling Pioli not to sub @RLC because of how well he’s playing?!
— SempreMilan (@SempreMilanCom) September 4, 2023
Hadalsame Media