(Hadalsame) 04 Sebt 2023 – Waxaa dhaqaaqi la’ dagaalka lagu doonayo in lagu xoreeyo degaannada ay Shabaabku weli ka haystaan Gobol Dhexe, gaar ahaan Galmudug, kaddib markii ay ciidamadu kasoo bexeen degaanno badan oo ay qabteen.
Arrintan ayaa waxaa u sabab ahaa dagaalkii Cowswayne oo ay wararka qaar xitaa sheegayaan inay ciidanka DF duqeeyeen diyaarado amar ka haysta isla madax ka tirsanayd DF Somalia.
MW Xasan Sheekh oo muddo fadhiyey magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda Galmudug ayaan isna wax natiijo ah weli ka keenin halkaas oo maalmo kahor lagusoo bandhigay ciidamo la sheegay inay dagaalka gelayaan, balse kaddib la waayey meel ay ka bexeen.
Bile Gurxan oo ka tirsan weriyeyaasha u dhuun daloola arrimaha Galmudug ayaa haatan qoraal ku sheegay in MW Galmudug, Axmed Qoor Qoor uu ka mid yahay ragga xagal-daacinaya dagaalka oo sidoo kale rag kale lagu eedaynayo, sida uu ku yiri qoraalkiisan:
”Dagaalka Qoorqoor ka bilaabi waayey degaannada Jowle, Qaayib, Camaara, Caad ilaa dhulka ku teedsan beesha uu kasoo jeedo ee uu maanta Guutada Gorgor inta u tagay isku soo sawiraaya ma ka xishoon Soomaali.
”Waxuu ka shaqeeyey in la waayo waxii Tikniko ahaa ee sida Carwo dhareed Camal loogu soo bandhigayey Deegaanada uu ka soo jeedo markii larabay in la qaado Dagaal safbalaaran ah.
”Nin raba inuu xukunka ku joogo in alshabaab qeyb ahaan Gobolka Joogaan oo aan la tirtirin ayaa raba inuu igu sawir dadka ka jahawareeriyo.
”Runta qofkay dhibayso ha dhibto laakiin Qoorqoor iyo rag kaleba Madaxweynaha Soomaaliya waa qiyaameen, waxuuna ka tagay Hassan Sheikh Mohamud Dhuusamareeb iyadoo hal dagaal laga qaadin aagaas.
“Nin Hashii uu lahaa seynta uga fadhiya makacdo ayaa la dhahaa.” ayuu qoraalkiisa kusoo koobay weriyey Bile Gurxan.
Qoor Qoor ayaa ka mid ahaa raggii gacansaarka la ahaa MW hore ee Farmaajo.
Hadalsame Media