”Xoog bay kusoo galaan” Maraykanka oo qadyaan ka taagan dad Shiinays ah oo iska gelaya xeryaha ciidanka (Qaar baa badda quusid kasoo bilaaba)

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2023 – Muwaadiniinta Shiinaha ayaa isku dayey inay galaan xarumaha Dowladda Maraykanka ilaa 100 jeer sanadihii ugu dambeeyey, taasoo keentay in saraakiisha Maraykanku ay aaminaan in shakhsiyaadkan, oo inta badan sheegta inay yihiin dalxiisayaal, ay dhab ahaantii yihiin basaasiin,sida uu qoray wargayska Wall Street Journal Isniintii, isagoo soo xiganaya ilo wareedyo. Beijing ayaa beenisey inay ku lug leedahay hawlo basaasnimo oo ka dhan ah Maraykanka.

Sida laga soo xigtey saraakiil Maraykan ah oo ay waraysatay warbaahintu, Shiineeska “Albaab-jebiska ah” ee inta badan lagu arko meel u dhow xarumaha Maraykanka ee aan dadka loo ogolayn, ayaa waxaa ku jira dad galay xerada gantaalaha gobolka New Mexico iyo qaar badda quusay meel u dhow goob gantaalaha laga soo tuuro oo ku taal gobolka Florida.

Qaar ka mid ah dhacdooyinkan ayaa u muuqda inay yihiin “qaar aah dhib lahayn,” iyadoo dalxiisayaasha Shiinuhu ay sharraxeen inay raacayeen Khariidad sheegaha Google si ay wax uga cunaan McDonalds u dhow ama makhaayad kale oo cunto deg deg ah oo ku dhex taal saldhig millateri, ayay tiri warbixintu.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtey saraakiisha Maraykanka, qaar ka mid ah dhacdooyinkan ayaa ah “qaar dhib badan” sababtoo ah waxay ka dhaceen meelo aan dalxiisba loo tegin.

Marka muwaadiniinta Shiinaha la qabto iyagoo “si ula kac ah” u gelaya saldhigyada, inta badan waa la xiraa muddo kooban kaddibna waxaa laga saaraa dhismaha, sida ay saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin u sheegeen wargayska.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtey Sue Gough, afhayeenka Pentagon, xaaladaha qaarkood shakhsiyaadkani waxay xawaare kusoo galeen saldhigyada Maraykanka “iyagoo si deg deg ah u dhaafaya baraha kontoroolka,” kaddib kuwaas “inta badan waxaa lagu eedeeyaa dembiilenimo [oo waxaa] laga mamnuucaa gelitaanka xerada mustaqbalka.”

Saraakiisha Maraykanka ayaa sidoo kale ku andacoonaya in muwaadiniinta Shiinuhu ay inta badan adeegsadaan wax u eg “baaq luuqadeed” marka ay wajahaan ammaanku, iyagoo ku adkaysanaya inay yihiin dalxiisayaal jidkii ka lumay.

Hadalsame Media