(Hadalsame) 04 Sebt 2023 – Sawirka Ronaldinho ayaa aad ugu faafaya baraha bulshada inkastoo uu ka fariistay ciyaaraha wax ka badan 5 sano kahor.
Magaca Brazilian-kan ayaa mar kale kusoo noqday cinwaannada sabab la xiriirta sida uu aadka ugu egahay gabar ciyaaryahanad ah oo Koonfur Afrikaan ah.
Miche Minnies waa gabar weeraryahan ah oo u safata kooxda Mamelodi Sundowns, oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu waawayn Koonfur Afrika.
Mamelodi Sundowns ayay taageerayaashu ugu yeeraan ‘Brazil’ sababtoo ah waxay midab ahaan u maaliyad egyihiin Xulka Brazil.
Sabtidii Sebtember 2, kooxda haweenka ee Mamelodi Sundowns ayaa la ciyaartay Young Buffaloes kulan ka tirsanaa horyaalka, waana markaas goorta ay gabadhani indhaha soo jiidatey.
Haataan taageerayaasha qaarkood ayaa xitaa dalbanaya in DNA la iskaga qaado Ronaldinho iyo Miche.
Hadalsame Media