Dadka indhaha Gor Gor leh oo soo saaray arrin ay dad badani ka il-duufeen oo uu shalay sameeyey Rashford

0

(Hargaysa) 04 Sebt 2023 – Isticmaalayaasha baraha bulshada ee indhaha gor gor leh ayaa arkay Marcus Rashford in aan xirnayn wax kabo ah mar sawirradiisa lagusoo bandhigay Sky Sports ciyaartii guuldarradu ay Manchester United kasoo gaartey ee Arsenal kahor.

Daawadayaasha tagay kulankii miisaanka culus ee Emirates kahor ayaa dareemay in Rashford oo safka hore taagan kahor inta uuna bilaaban kulanku uu kaliya sharabaado ama sigsaan xiran yahay.

Sawirrada garaafigga ah ee uu sameeyey Sky ee lagusoo bandhigo shaxaha iyo safafka ayuu Rashford kasoo muuqday shaashadda, isagoo aan xirnayn kabihiisa.

Taageerayaasha ayaa arrintan markiiba ula orday X, oo hore loogu yiqiin Twitter.

“Waxaa uu soo iloobay kabihii, sawir qaaduhuna maba ogayn,” mid isticmaale ah ayaa soo qoray.

Mid kale ayaa ku daray: ‘Broski wuxuu kabihiisa kusoo illoobay guriga.’

Manchester United forward Rashford was spotted in the line-up graphics without any boots

Hadalsame Media