(New York) 03 Sebt 2023 – Dagaalka Ukraine ayaa isu rogi kara iskahorimaad buuxa oo u dhaxeeya Ruushka iyo NATO, sida uu qabo ku xigeenka Ergayga Moscow ee Qaramada Midoobey, Dmitry Polyansky.
Diblamaasigu waxa uu eedda dusha uga tuuray gaashaanbuurta huwanta ah ee uu Maraykanku hoggaamiyo oo uu sheegay inay shidayaan dagaalka u dhexeeya Moscow iyo Kiev.
“Waxaan si isdaba joog ah uga digney in xaaladdu ay aad khatar u tahay, ayna jirto khatar wayn oo ah isku dhac toos ah oo u dhexeeya Ruushka iyo NATO,” ayuu yiri Polyansky isagoo ka jawaabaya su’aalo lagu waydiinayey X (ex Twitter). Isbahaysiga uu hoggaamiyo Maraykanka ayaa u taageeraya ciidamada Ukraine si kasta oo suurtagal ah, marka laga reebo soo dirista ciidamo toos ah, ayuu ku dooday
”Moscow waxay aragtaa “calaamado badan oo muujinaya inay jiraan macallimiin, iyo calooshood u shaqaystayaal” jooga gudaha Ukraine,” ayuu yiri Ergayga Xigeenku. Waxa uu sidoo kale tilmaamay inay helayaan wax uu ku sheegay “farriimo yaab leh” oo ku saabsan dhimashada saraakiil iyo jeneraalo NATO ah.
“Taasi waxay kor u qaadaysaa tuhunno waawayn,” ayuu yiri, isagoo raaciyey “ma diidi karno in [khubarada NATO] ay ka qaybqaadanayaan falalka dagaalka Ukraine qaarkood,” ayuu Polyansky ku daray, isaga oo aan bixin tusaalooyin.
Polyansky ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladda hadda jirta ay “aad ugu xun tahay” millateriga Ukraine iyo in “gargaarka reer Galbeedku yahay badbaadadooda kaliya.” Dad badan oo ku nool Maraykanka iyo meelo kale ayaa “waxay bilaabeen inay fahmaan in nidaamka Kiev uu guuldarraysanayo,” ayuu raaciyey.
“Wax walba ayaa dhici kara. Ma jiro wax meesha laga saarayo taasoo ay ku jirto dagaal toos ah oo xooggan oo u dhexeeya NATO iyo Ruushka, ” Diblamaasiga ayaa ka digey.
Si kastaba, reer Galbeedka ayaa ku adkaysanaya inaysan si toos ah uga qaybqaadanayn dagaalka Ukraine tiiyoo ay ahlkaa u direen in ka badan 100 bilyan oo doollar oo gargaar hub ah oo ay la wareegtey Kiev oo ay sidoo kale u tababaraan ciidan fara badan.
Hadalsame Media