Taageere Arsenal ah oo hertiyey Roy Keane & Laacib hore oo ka difaacay (Daawo)

0

(London) 03 Sebt 2023 – Roy Keane ayaa la sheegay in taageere uu ku weeraray gudaha garoonka Emirates xilli uu u socday howlihiisa shaqo ee Sky Sports ciyaartii Arsenal vs Man United kaddib.

Mail Sport ayaa fahansan in 52-sano jirkan ahaa kabtankii hore ee Manchester United uu ka horyimid nin jooga meesha ugu sareysa ee qaybta West Stand xilli uu sugayey wiish si uu aado meesha ay ciyaarta uga faalloodaan ee geeska garoonka.

Ninkan ayaa la sheegay inuu madaxa la aadey oo uu doonaye inuu hertiyo Keane balse wuxuu kala helay xabadka iyo garka ninka Irish/ka ah, balse waxaa laga hortagay inuu dhaawac halis ah u gaysto.

Muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya saaxiibka Keane ee Sky Sports ee Micah Richards oo ninkan la tacaalaya si uu u xakameeyo, balse taageeraha ayaa ka baxay meesha kahor inta aysan soo gaarin ilaaladu.

Dhacdadan ayaa timid waxyar kaddib mar uun Alejandro Garnacho uu u muuqdey nin lib u keeni raba United daqiiqaddii 88-aad.

Hadalsame Media