(Madrid) 03 Sebt 2023 – Kooxda Real Madrid ayaa soo bandhigtay howsha ay ku dayactireyso garoonka Santiago Bernabéu iyaga oo muuqaallo cajiib ah oo ay daroon ku qaadeen soo dhigay baraha bulshada.
Dayactirkan casriga ah ee gurigoodii caanka ahaa -kaas oo soo taxnaa ilaa 2019-kii – ayaa la rumaysan yahay inuu ku kacayo €575milyan oo euro (£494m), waxaana loogu talagalay in garoonkan looga dhigo mid la jaanqaadaya waayaha cusub.
In kasta oo hannaanka uu dib u dhac ku yimid, haddana garoonku waxa uu soo bandhigay saqafkiisa cusub guushi 2-1 ay kaga gaareen Getafe Sabtigii ciyaartoodii ugu horreeysay ee xilli ciyaareedkan ay ku dheelaan gurigooda.
Ciyaarta kahor, Real Madrid ayaa wadaagtey muuqaal muujinaya garoonkan la naashnaashay oo ay ku duubeen daroon garoonka gudahiisa iyo dibeddaba.
Notable features showed included the new roof, a terrace surrounding the stadium at its highest level which will provide match-goers with a cutting-edge taste of hospitality, as well as the new pitch.
Waxyaabaha xusida mudan ee la soo bandhigay waxaa ka mid ah saqafka cusub, barxad ku hareeraysan garoonka oo ah heerkiisii ugu sarreeyey kaasoo dadka siin doona soo dhawaynta tayo leh, iyo sidoo kale garoonka qaybta cagaaran ee lagu dheelo oo la cusboonaysiiyey.
🏟✨ Santiago Bernabéu 🎥 pic.twitter.com/zjhJCiiy9q
— Real Madrid C.F. (@realmadrid) September 2, 2023
Hadalsame Media