(Hargaysa) 02 Sebt 202 – Xukuumadda Maamulka Somaliland, ayaa waxa ay sheegtay inay si adag u cambaaraynayso wararka iyo muuqaallada lagu faafinayo Internet-ka ee ku saabsan tacadiyada ka baxsan bini’aadminnimada ee lagula kacay Askarta Somaliland ee la qabtay Jimcihii 25-kii Agoosto.
”Maalmihii lasoo dhaafay waxa baraha internet-ka ee kala duwan ku wareegayey muuqaallo iyo sawirro aan tiro lahayn oo muujinayey askarta Somaliland oo si xun loo jir dilayo, islamarkaana la dilayo iyo muuqaallo muujinaya sida loo bahdilayo marxuumiin dhintay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Somaliland.
”Waxaan rabnaa in aan xasuusinno dhammaan kuwa ku lugta leh inay ula dhaqmaan maxaabiista dagaalka (POWs) si buuxda oo waafaqsan Axdiga 3-aad ee Geneva iyo sidoo kale caadooyinka Islaamka sida ku cad Qur’aanka Kariimka ah ee la dhaqanka maxaabiista dagaalka xilliyada colaadaha,” ayay raaciyeen.
”Beesha Caalamka waxaanu usoo jeedinaynaa inay si deg deg ah wax uga qabtaan arrintan, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo in ciidamada Somaliland iyo sidoo kale maydadka dadka dhintay lagula dhaqmo si la mid ah axdiyadii ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqantay tan iyo bilowgii khilaafkan.” ayaa lagusoo afjaray.
Hadalsame Media