RA’YI URURIN: Dadka Swedish-ka oo u codeeyey in la joojiyo Qur’aan gubista & In kale + Dowladda oo sharci soo wadda (Natiijada)

0

(Stockholm) 02 Sebt 2023 – In ka badan kala bar dadka Swedish-ka ah ayaa taageersan in la mamnuuco gubista Qur’aanka Kariimka ah iyo kutubta kale, sida lagu sheegay xog ururintii ugu dambaysey ee la daabacay.

Boqollleeyda dadka Swedish-ka ah ee doonaya in la mamnuuco gubista Qur’aanka ayaa kor ugu kacday ilaa 53%, taasoo laba dhibcood ka sarraysa codbixintii hore.

Sahankii ugu dambeeyey ayaa waxaa samaysay shirkadda SIFO ee ra’yi ururinta Sweden. Ilaa 37% ayaa taageeray in la gubo buugaagta diimaha iyadoo loo eegayo xorriyadda hadalka, halka inta soo hartay aysan fikrad ka dhiiban codbixintan.

Sahanka ayaa lagu sameeyey 1,291 muwaadiniin Iswidhish ah oo si aan kala sooc lahayn loosoo xulay intii u dhaxaysey Agoosto 15-27. Dalka Sweden, dowladda iyo mucaaradka ugu wayn dalka ayaa diyaarinaya inay wax ka bedelaan sharci ka dhan ah in qaab daandaansi ah loo gubo Qur’aanka Kariimka ah.

Dowlada Sweden ayaa horraantii bishan ku dhawaaqday inay dib u eegis ku samaynayso sharciga nidaamka dowliga ah si looga hortago weerarrada ka dhanka ah Qur’aanka Kariimka ah ee ka dhaca dalkaasi.

Wasiirka cadaalada, Gunnar Strommer, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in warbixin ku saabsan sharciga loo gudbin doono baarlamanka ugu dambayn 1da Luulyo 2024-ka.

Magdalena Andersson, head of the main opposition Social Democratic Party, also stated that they were investigating an amendment to the Public Order Law, stating that provocations of burning the Holy Quran in the country could constitute a “hate crime.”

Magdalena Andersson, oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ugu wayn ee Social Democratic Party iyo RW hore, ayaa sidoo kale sheegtay inay baarayaan in daandaansiga lagu gubayo Qur’aanka Kariimku ay noqon karto “dembi nacayb koox gaar ah”, sidoo kalena ay wax wayn u dhintay sumcadda Sweden ee dunida.

Hadalsame Media