”Annaga nagu meteli maysid Qur’aan gubise dhaqse u jooji!” – Xisbiga SD oo go’aan lama filaan ah ka qaatay ninka Qur’aanka guba (Maxaa ka dhexeeya oo aadan ogayn?)

0

(Hadalsame) 02 Sebt 2023 – Jeer la isla dhexmarayo warar xan ah oo sheegaya in ninka ku caan baxay gubista nuqullo ka tirsan Qur’aanka Kariimka ahi uu ka tirsan yahay xisbiga Sverigedemokraterna ayuu xisbigu bilaabay inuu baaro diiwaanka xubinimadiisa.

Yeelkeede, markii ay ogaadeen xubinnimada ninkan kutubta Qur’aan guba, waxay bilaabeen kiis ninkan looga saarayo xisbiga. Hadda qofkaas oo aan la magacaabin waa laga saaray xisbiga.

“Xisbiga Sverigedemokraterna weligiis ma muujin rabitaan ah in adiga iyo qof kaleba aad fikrad ku gudbisaan magacooda adigoo gubaya buugaag. Xubin ahaan, masoo bandhigi kartid fikrado muran dhalinaya haddii aanay xisbigu ogolayn,” ayuu xisbiga SD ku yiri email furan oo uu u diray ninkan kitaabka guba.

Xisbigu wuxuu qoray in dhaleecaynta diintu ay ku dhacdo dood halkii ay ka ahaan lahayd daandaansi. “Gaar ahaan haddii daandaansiyadani ay ku dhacayaan magaceenna, laakiin aynaan ogayn,” ayay qoreen.

Intaa waxaa dheer, in xisbiga cunsuriga ah ee SD ay ku boorrinayaan qofkan oo aysan marna magacaabin inuu joojiyo gubista kitaabka kariimka ah.

“Gebagabadii, waxay nala tahay inaad si deg deg ah u joojiso inaad Qur’aanka ku gubto meel fagaare ah ujeedaduna tahay inaad ka caraysiiso Muslimiinta adduunka. Waxaan aaminsan nahay inay dhinacyo badan wax u dhimayso, ayna horseedayso halis ah in xorriyadda hadalka ee Iswiidhen lala aado jiho khaldan,” ayuu qoray SD oo uu mowqifkiisu dad badan ka yaabiyey.

Waloow aysan cidna magacaabin, misna qofka ku caan baxay gubista Qur’aanku waa Salwaan Momika. Waxa uuna warbaahinta ka sheegay inuu ka tirsan yahay xisbiga SD, uuna doonayo inuu baarlamaanka ku fariisto magacooda.

Si kastaba ha ahaatee, SD ma rabto inay ka hadasho in cidda ay ka saartay xisbiga uu isaga yahay iyo in kale, balse ma jiro qof kale oo waqti xaadirkan kitaab Qur’aan ah Sweden ku guba oo aan ninkan ahayn.

Warkan ayaa sidoo kale khilaafsan aragtida Richard Johannes Jomshof oo xisbiga SD ku metela Baarlamkanka dhexe ee Riksdag oo marar badan horay u caddaystay Islaam nacayb iyo inuu la dhacsan yahay in Qur’aan gubista lasii wado.

Hadalsame Media