”Taas cidna uga haybsaysan mayno” – Sheekh Shariif oo bayaan kulul kasoo saaray wixii ka dhacay Cowswayne

0

(Ankara) 01 Sebt 2023 – MW hore ee Somalia Shariif Sh. Axmed ayaa bayaan kasoo saaray dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee la sheegay in wanjalaad gudaha ihi ay jebisey Ciidanka Xoogga Dalka ee duullaanka ku ahaa Gobollada Dhexe, taasoo keentay in ciidanku uu ku jabo dagaal ka dhacay Cowswayne, kaddib markii saanaddii loo baahnaa la gaarsiin waayey.

Shariif Axmed oo beryahan ku sugnaa magaalada Ankara oo la sheegay inuu kula kulmay MW hore ee Farmaajo oo isbahaysi cusub raadinaya, waloow uu horay wax uga qaban waayey dagaalka Shabaab, ayaa soo saaray bayaan kooban.

”Mowqifkeena ku aaddan la dagaallanka cadowga waa mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxaana si buuxda u garab taagannahay dagaalka Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan Argagaxisada,” ayuu ku bilaabay MW hore Shariif oo isaga oo qarada arrintani leedahay ka hadlaya raaciyey.

”Khaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lagama aamusi karo, masuuliyadiisana waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda.

Wuxuu kaloo MW hore ka digey in dagaalka la dhexgeliyo waxyaabo ragaadinaya oo aan waxbana u taraynin.

”Markale, waxaan codsanaynaa inaan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Argagaxisada, lana siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhinayn. Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka.” ayuu kusoo afjaray.

Hadalsame Media