Leo Messi oo sabab u noqday in Axadda uu Horyaalka Maraykanka ka dhaco rikoodh ugub ah

0

(Miami) 01 Sebt 2023 – Waxaa Maraykanka ka soconaya wax ay saxaafaddu ku micnaysey “Messi mania” mana jirto wax calaamad ah oo muujinaysa inay taasi hoos dhacayso waqti dhow.

Haddaba, qiimaha tigidhada kulanka Axadda dhexmari doona Inter Miami iyo Los Angeles FC ayaa noqonaya kii abid ugu qaalisanaa ciyaaraha Horyaalka MARAYKANKA ee Major League Soccer, sida uu qabo TickPick, oo ah goob suuq online ah.

Celcelis ahaan qiimuhu waa ku dhowaad ​​$785 – $690 waana koror ku dhacay celceliska qiimaha tigidhada ciyaaraha MLS, kaasoo oo qiimihiisu horay u ahaa $110 kahor inta aanu xiddigga kubbada cagta ee Leo Messi ku biirin horyaalkaasi.

Hadda oo ay maalmo uun ka harsan yihiin ciyaarta, tikitka ugu jaban ee lagu arki karo Messi oo wajahaya kooxdii ku guulaysatay MLS Cup sannadkii hore waxa uu ku kacayaa $785 oo Doollar, sida uu qorayo TickPick.

Lionel Messi and two more MLS players called up by Argentina for World Cup  qualifying | Arab News PK

Hadalsame Media