Hal arrin oo sabab u noqotay in Shabaabku ay ku dhici waayaan inay weeraraan ciidankii ku sugnaa Ceelbuur

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2023 – “Shuurteey ka raadiyaan Shabaab, sheeddeyna kula shaah cabaan!” Ayay tiri laashimad: Shamsa Sheekh Cali.

Haddii degmadii ugu dambeysay ee CEELBUUR laga soo baxay maxaa haray? Ceelbuur si walba oo ay u hareereysneyd, haddana Shabaabku kuma dhicin inay weeraraan, waayoo meel bannaan ahna way ku taallaa, ciidamada jooga ee xoogga dalkuna waxay u badanaayeen kumaandooska DANAB oo diyaarado haysta.

Haddii degmada Maxaas lagu soo laabtay aawaye guulihii loo qariibay, loona dhintay?

Eedda ugu weyni dowladda dhexdeeda ayey ka jirtaa ee dhexdeeda ha la saxo inta aan mucaarad loo gudbin, woloow aanan weli arkin qolo mucaarad toos ah lagu sheegi karo oo halganka xagal-daacinaysa.

Dhibka ugu weyn ee fashilka halganku dowladda ayuu ka dhexjiraa ee sidaan wax ha laga beddelo.

Weli kansho ballaaran ayaa jirta ee yaan la dayicin maafiyadana fursad loo siin inay mar kale is aruursadaan.

Shabaabka goballada dhexe ma jirto maanta maalin ay ka tamar yaryihiin, inay naaxaan ayaase fursad loo siinaya ee yaan la yeelin sidaas.

W; Q: Xasan Cabdulle Calasow

Hadalsame Media