Wiilkeeda ayay darawalnimo baraysey balse hortiisa ayaa iyadii lagu jiiray (Daawo)

0

(Sydney) 31 Agoosto 2023 – Muuqaal murugo leh ayaa soo baxay xilli hooyo ay wiilkeeda oo qaan-gaar ah baraysey sida loo kaxeeyo gaariga uu gaari kale si kas ah u jiiray oo uu u dilay.

Leonia Picone, oo 55 jir ah, ayaa la socotey wiilkeeda, oo 17 jir ah, kaas oo baabuurkeeda oo ah nooca Ford Mondeo ka waday Wetherill Park, ee galbeedka Sydney, saacadu markay ahayd 6:30 subaxnimadii Arbacadii shalaytoole.

Gaariga ayaa ku dhowaa isgoyska Cowpasture Rd ee Horsley Dr, markii gaari xamuul ahi uu gadaal uga dhacay gaarigooda, taasoo keentay in wiilka Ms Picone uu gaariga istaajiyo jidka dhinaciisa, si ay ugu cowdaan darawalka taraagga.

Fiidiyowgu se waxa uu muujinayaa Ms Picone oo ka soo degaysa baabuurkeeda oo hor taagan gaariga si ay usoo jeediso dareenka darawalka kahor inta aanu hore usoo sheellarayn mar quraoo aanu ka dul boodin.

Ms Picone wiilkeeda, oo sidoo kale kasoo degey gaariga Mondeo, ayaa mitir u jirey dhacdadaa naxdinta leh, wuxuuna daawaday sida hooyadii loo jiiray isagoo u jeeda, taasoo ahayd xanuun kale.

Hadalsame Media