(Hadalsame) 31 Agoosto 2023 – Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu dagaal rogaal-celis ah ku qaadayo magaalada Laascaanood oo ay ciidankiisu ku jabeen dagaal halkaa ka dhacay aroornimadii 25-kii bishan.
Somaliland oo min bilow ilaa dhammaad si khaldan u wajahdey dagaalka Laascaanood ayaa laba talo seegtay bilowgii kuwaasoo kala ahaa:
1 – Inay aragti siyaasadeed oo dadka tusaysa in Maamulku yahay nidaam loo siman yahay, cadaalad ah, islamarkaana ka talinaya wanaagga iyo daryeelka dhammaan degaannada uu xukumo, taasi waxay keeni lahayd laba arrimood:
a) In lala xaalo dhibaatadii amni ay muddada dheer ka taagnayd Laascaanood oo dad badan lagu dhex diley, balse aan runtii waxba muddadaa laga qaban iyo
b) In la dhiso sheeko (narrative) dadku ka dhadhansan karaan in wax nidaam ihi jiraan oo aanu xaalku ahayn reero isu dowladaynaya. Nasiib xumo dad badan oo qaab laablakac ah arrintan uga hadlayey ma dhowrin nidaamkaas oo waxay Somaliland u ekaysiiyeen sumad beeleed.
2 – Maamulka Somaliland oo xitaa jahawareer ka muujiyey inuu si joogto ah u sheego cidda uu la dagaallamayo, ayaa sidoo kale seegay tillaabadii ugu macquulsanayd oo ahayd inuusan marna xoog ku raadin xukunka Laascaanood, taasoo ama xal maamul u keeni lahayd ama ugu yaraan badbaadin lahayd dadkii bilaa micnaha ugu le’dahay bugcadaa la isku hayo.
Haatan waxaan leeyahay yaanu Maamulka Somaliland seegin middii 3-aad: Taasi waa in markale la isku dayo in iyada oo laga carsan yahay wixii Jimcihii dhowayd dhacay la isku dayo in dagaal kale wax lagu doono oo aan waxba laga baran casharkii hore ee dagaalkii bilowday 6-dii Febraayo.
Xusuusnow, in Somaliland ay ka mid tahay nidaamyadii dalka ka curtay kaddib burburkii dagaallada sokeeye isagoo ka eed sheeganaya cadaalad darro uu kula kacay nidaam jirey. Ha samaynin wixii aad laftaadu shalay diiddey.
W; Q: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media
Hadalsame Media