Kenya oo lacagtii 2-aad ee ugu badnayd ku heshay Somalia (Imisa bilyan ayay qaadatay muddo 11 sano ah?)

0

(Nairobi) 31 Agoosto 2023Kenya ayaa lacag dhan Sh6.98 bilyan oo Shilin ku heshay ciidamadeeda dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya rubac-sanad maaliyadeedkii dhamaaday bishii Juun, taasoo ka dhigan in boqolkiiba 93 ay kor u kacday lacagtaasi kahor intuusan si buuxda u dhamaanin howlgalka nabad ilaalinta ah ee Soomaaliya wax ka yar laba sano.

Lacagaha Kenya lagu siiyey howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), oo horay u ahaan jiray ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom), ayaa sannadkii hore ahaa Sh3.60 bilyan oo Shilin.

Lacagaha la bixiyay sanad miisaaniyeedkii ugu dambeeyay ayaa ahaa kii labaad ee ugu badnaa tan iyo markii Kenya ay ku biirtay howlgallada milateri ee ay taageerayaan Midowga Afrika ee ka socda dalka ay dagaallada sokeeye halakeeyeen, kaasoo xuduud la leh Kenya dhanka Bari.

Yeelkeede, ma aha lacagtii ugu badnayd ayaa Ciidanka Kenya ee KDF la siiyey Juun 2021 taasoo ahayd Sh8.94 bilyan oo Shilinka Kenya ah.

Wasaaradda Maaliyadda dalka Kenya ayaa gacanta ku haysta maaraynta maaliyadda howlgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya, waxaana marka lacagta loo shubo Wasaaradda Gaashaandhigga kaddib la siiyaa ciidamada iyadoo kaashka laga helayo Midowga Afrika.

Xogtu waxay muujinaysaa in Kenya ay ciidankeeda KDF lagu siiyey adduun dhan Sh58.65 bilyan 11 sano gudahood ilaa Juun 2023.

Kenya waxay si rasmi ah ciidankeeda ugusoo dirtay Soomaaliya kuwaasoo ahaa ilaa 4,660 askari bishii Oktoobar 2011-kii kaddib markii ay sheegtay in lagu qaaday weerarro aan kala joogsi lahayn iyo afduubyo ay al-Shabaab u gaysteen dad rayid ah oo ku sugan gudaha dalkeeda.

Hadalsame Media