(Suffolk) 31 Agoosto 2023 – Ciidamada Cirka ee Maraykanka ayaa sanadka soo socda helaya lacag dhan $50m (£39m) oo loogu talagalay mashruuc u gogol xaaraya in hubka Nukliyeerka ee Maraykanku uu dib ugusoo laabto dhulka Ingiriiska markii ugu horreeysey muddo ka badan 15 sano.
Si loo caddeeyo kharashkan waxaa uu ku baxayaa 144-sariirood oo jiif ah oo la dhigayo hoolal hurdo oo laga dhisayo xerada Ciidanka Cirka UK ee RAF Lakenheath ee Suffolk, iyadoo Ciidanka Cirka Maraykanka ee USAF ay si dadban u sheegeen in halkaa la gaynayo hubka nukliyeerka, sida ay khubaradu fasireen.
Dhismaha hoolalka jiifka ayaa lagu wadaa inuu bilaabmo bisha Juun ee sanadka 2024 wuxuuna socon doonaa ilaa bisha Febraayo sanadka 2026-ka, waana calaamadihii ugu dambeeyey ee muujinaya inuu socdo diyaar garowga suurtagalka ah in hubka Nukliyeerka ee Maraykanku uu dib ugusoo noqdo dhulka UK.
FAS waxay hore u sheegtay in miisaaniyadda difaaca ee 2023-ka, UK lagu daray liiska wadammada ay ka socdaan maalgelinta kaabayaasha “kaydinta hubka gaarka ah” ee Yurub, taasoo ay ku wehliyaan Belgium, Germany, Italy, Netherlands iyo Turkey.
Hadalsame Media