Haddii ay dhab tahay in la turxaan bixiyo Ciidanka Xoogga SHANTAN hallagu dhaqaaqo (4 nooc oo sirdoon ah oo loo baahan yahay)

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2023Waxaa dib u dhac ku yimid wejigii 2-aad ee lagu xorayn lahaa inta ay Shabaabku uga hareen Gobollada Dhexe, gaar ahaan Maamulka Galmudug, taasoo lafteedu ka dhalatay kala joogsiga wejigii hore iyo wejiga 2-aad ee duullaanka.

Dib u dhacan ayaa ka yimid jab ciidanka kasoo gaarey DEGAANKA COWSWAYNE, kaasoo la isla qiray inay ciidanka ku wanjaleen rag ka tirsanaa maamulka ciidanka, balse si dadban ama toosan ula shaqaynayey Shabaabka. Haddaba, waxaa loo baahan yahay qodobbadan:

1 – Xisaabtan cad oo mas’uuliyadda ku tira ama ka tira ciddii lagu helo inay si toos ah iyo si dadbanba ugu lug lahayd halistii la geliyey CXD Soomaaliyeed iyo in ciddii ay ku caddaato loo ciqaabo ee aysan ku ekaannin xil ka xayuubin oo qura, maadaama ay tani tahay khiyaano qaran.

2 – Wax eed ah oo aan hubo oo ka dhan ah NISA ma jiraan, balse waxaa aad u badanaysa ku lug lahaanshaha NISA ee howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka, taasi waa inay meesha ka baxdaa waayo NISA iyo XD waa laba hay’adood oo kala madaxbannaan, sidaa darteed, waa in sida dunida kaleba ka jirta uu XD yeeshaa il sirdoon oo isaga u gaar ah sida Laanta Sirdoonka XD.

Ciidanku waxay u baahan yihiin 4 nidaam sirdoon oo isku xiran oo kala ah:

a) Sahan (Surveillance) – Oo ah inay awood u yeeshaan inay la socdaan bartilmaameedyada ay la xaalayaan taasoo u sahlaysa inay ogaadaan haddii uu weerar kusoo maqan yahay, in ciidanka lidka ihi ay dib u guranayaan IWM, taas waxaa loo adeegsadaa in ilaalo ama agab la diro.

b). Xog raadin mucayin ah (Reconnaissance) – Waa marka arrin gaar ah la doonayo in la ogaado sida xilliyada weerarka lasoo qaado, waxa la adeegsado, dabciga arrin gaar ah oo mar walba dhacda IWM.

c) Sirdoon (Intelligence) – Sirdoonku wuxuu raadiyaa inuu HELO macluumaadka ku saabsan cadowga – sida xooggooda, awoodooda, meelaha ay joogaan iyo ujeedooyinkooda.

d) Lid-sirdoon (Counter Intelligence) – Waxaa diiradda lagu saaraa in la xaddiddo awoodda uu cadawgu u leeyahay inuu kaa ogaado isla macluumaadka aan C kusoo sheegnay. Waxaa ka mid ah garashada sirdoonka adiga kugu maqan, waxaana taa soo gelaya dad gudaha wanjalaadda ka wada ee ciidanka ku milan ama ku dhex jira.

Waxan aan sheegnay ma aha inay NISA u qabato millateriga, taasi waa gef iyo nidaamxumo laga gelayo Ciidanka Xoogga.

3 – Waa inuu jiro hab-raac iyo qorshe ciidan oo leh talis iyo jaranjaro maamul oo ay sidoo kale ciidanka kula shaqaynayaan xitaa Macawisleeyda, si meesha looga saaro isbarbaryaaca, qayilaadda, habacsanaanta howlgal sida weerar, difaac iyo rogaal-celinta dagaal ee loo baahan yahay. Qiyaas ciidan kumannaan ah oo aan lahayn adkaysi (resilience) si ay ula xaalaan wax kasta oo lasoo gudboonaada, balse taa biddaalkeeda qacda horeba isku dhex daadanaya amaba isku dhex daadsan marka lasoo weerarayo.

4 – Waxaa yaab leh in ciidan duulaya ay ka daba ordayaan kaamarooyinka ay qaarkood daroonno ku xiran yihiin, kuwaasoo markii meel la tagaba soo duubaya ciidanka meesha jooga, iyadoo si sahal ah lagu ogaan karo tiradooda iyo agabka ay sitaan, taasina waa mid ka dhan ah dishibiliinka ciidanka.

5 – Wixii laga yeelayo Shabaabkii la qabto waa inay noqotaa wax raacaya siyaasad iyo qorshe qaran si looga fursado foolxumadii dorraad ku faaftay baraha bulshada ee ay mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia oo ay qaarkood heer wasiir gaarsiisan yihiin ay isla soo mutaxeen taageero aan qaangaarnimo iyo bisayl ka muuqan oo ku aaddan nin la sheegay inuu isasoo dhiibey. Ciidanku qofkii ay qabtaan waa inay mariyaan isla hilinnada quman ee ciidanka kaddibna loo gudbiyaa halkii lagu hayn lahaa iyadoo aan sawirro iyo shirar jaraa’id loo qaban.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media