(Muqdisho) 31 Agoosto 2023 – Waxaa magaalada Muqdisho ku dumey laba dabaq oo deris ahaa oo sidoo kale kusii dul dumey guri kale oo Fillo ahaa oo ay dad ku dhinteen qaarna weli la la’yahay.
Waxaa la sheegay in dabaq dheer ee dumey aysan xilligaa cidina joogin, balse dabaqa kasoo horjeeda uu ku dhaawacmay wiil ilaalo ahaa oo ku sugnaa, iyadoo uu dabaqa dheeri sababay dumista labada guri ee kale.
Dadka dhintay waa hooyo iyo gabadheedii sida uu sheegay Afhayeenka Gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay galabta. Waxaana ehelada u tacsiyeeyey Guddoonka Gobolka.
Muna Muxidiin oo ka mid ah dadka degaanka ayaa Hadalsame Media u sheegtay in dabaqa dheer si khaldan loo dhisay iyadoo uu asalkiisu ahaa Fillo caadi ah, balse 8 dabaq lasii dul saaray, taasoo mustaxiil ka dhigaysa in rukumadiisu ay celiyaan intaas oo dabaq.
DF Somalia ayay dadku dhaliisha saarayaan maadaama aanu jirin tayo-dhowr & heer (standard) u degsan sida guryaha noocan ah loo dhisayo si ay u noqdaan qaar la isku hallayn karo oo muddo dheer waari kara.
Maamulka Gobolka Banaadir oo horay howshiisa u dayacay ayaa haatan sheegay inay soo xireen ilaa 4 injinneer oo ku eedaysan inay dabaqan dhiseen.
”Dadka hadda xiran sharciga ayaa lala tiigsan doonaa marka ay baaristu dhamaato, hadda kaddibna waxaa la samayn doonaa hab-raac degsan.” ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir oo u muuqda mid hadda uun si fal-celin ah u wajahaya arrintan.
Hadalsame Media