”Xitaa ma kaydinayno raashinka Ukraine” – Poland oo weji cusub la soo baxday & Tusaale yaab leh oo ay daliishatey

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2023 – Poland ma aqbali doonto inay xitaa kaydiso badarka Ukraine sababtoo ah Warsaw waxay wax walba ka hormarinaysaa danaha beeralaydeeda, sida ay sheegtay Jadwiga Emilewicz, xoghayaha dowladda ee iskaashiga horumarinta ee Ukraine oo sidaa u sheegtay Financial Times.

Inkasta oo ay tahay mid ka mid ah taageerayaasha ugu wayn ee Kiev ee dagaalka Moscow, Poland hadda waxay ka mid tahay waddamada Midowga Yurub ku riixaya inay kordhiyaan mamnuucidda sarreenka gallayda, miraha gabbaldayaha, kaas oo la soo rogey bishii Maajo, illaa dhammaadka sanadka.

Warsaw waxay u baahan tahay inay ilaaliso beeralayda Polish-ka kahor intaysan caawinin kuwa kasoo jeeda Ukraine, si la mid ah shuruucda amniga diyaaradda ee sheegaya “inay tahay in hooyadu ay marka hore xirato maaskaraha [oxygen-ka] marka hore kaddibna ay caawiso ilmaha,” Emilewicz aya tiri, iyadoo sharraxaysa mawqifka Poland.

Xoghayaha dowladda ayaa sidoo kale ka cawday horumar la’aanta uu Maraykanku ka sameeyey fulinta ballanqaadkii Joe Biden ee ahaa in la dhiso kaydad badan oo aasan oo badarka la dhigo oo laga sameeyo dalalka xuduudka la leh Ukraine.

“Biden wuxuu ballanqaadkan ku sameeyay meel fagaare ah… laakiin markii aan bilownay inaan wax ka waydiinno [booqasho aan ku tagnay Washington bishii Luulyo], ma jiro qof ka tirsan maamulka [Maraykanka] oo diyaar u ahaa inuu ka jawaabo su’aasha.” ayay tiri.

Bishii Juun 2022 Biden ayaa ballanqaaday in haamo aasan laga sameeyo dalalka xadadka la leh Ukraine si deeto loogu dhoofiyo dunida, balse weli taasi ma dhicin.

Warka Poland ayaana kusoo beegmaya jeer ay dalal badan oo EU ah oo markii hore dagaalka Ruushka ku qalqaaliyey Ukraine ay iyana diideen in badarka Ukraine dalalkooda loo dhoofiyo.

Hadalsame Media