”Wuxuu qorshaynayaa aarsi” – Hoggaankii Wagner oo la sheegay inuusan dhiman balse uu khiyaameeyey nidaamka Ruushka (Maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2023 – Falanqeeye siyaasadeed oo Ruush ah ayaa sheegay in dagaal ooge Yevgeny Prigozhin uu nool yahay kaddib markii uu diyaaraddii dhacday saaray nin isaga u eg ee aanu isagu dhiman.

”Prigozhin waa ‘nool, fiican yahay, waana xor’ wuxuuna joogaa waddan aan la magacaabin,” sida uu qabo Dr Valery Solovey, xitaa iyadoo Ruushku qabanqaabiyey aaskiisa waloow uu Vladimir Putin diidey inuu k soo qayb galo.

Sheegashada la yaabka leh ayaa qabta in Prigozhin uu khiyaameeyey qorshe khaarajin ahaa oo uu oggolaaday Putin, balse uu soo diyaariyey golihiisa ammaanka qaranku.

”Prigozhin hadda waxa uu maleegayaa qorshe aargoosi ah.” ayuu yiri falanqeeyahan siyaasadeed, bare horena ka ahaan jirey Machadka Xiriirka Caalamiga ah ee Moscow [MGIMO], kaasoo ah dugsi tababar oo loogu talagalay basaasiinta iyo diblomaasiyiinta.

Dr Solovey ayaa sidoo kale nidaamka Ruushanka ku eedeeyey inay diideen soo bandhigidda DNA-da Prigozhin halka uu shilku ka dhacay ee gobolka Tver, markii ay ogaadeen inuusan dhiman hoggaankii Wagner oo isticmaalay qof kale oo isaga u eg, taasoo caado u ahayd.

Dhanka kale, ururka Midowga Yurub ayaa isna muujiyey inuusan ku kalsoonayn wararka sheegaya inuu dhintay hoggaankii Wagner, iyagoo diidey inay qaadaan cunaqabatayntii ay horay hantidiisa u saareen.

Hadalsame Media