Tik Tok oo lacagtii ka jaratay ninka nuqullada Qur’aanka guba

0

(Stockholm) 30 Agoosto 2023 – Tiktok ayaa hakisay in lacag lagu shubo koonto uu leeyahay ninka guba nuqullada Qur’aanka Kariimka ah ee Salwan Momika, sida ay xaqiijisay warbaahinta bulshada ee Ekot gaar ahaan weriyaha Raadiyaha Sweden ee Tiknoolajiyadda, Sven Carlsson.

Dhawr jeer, Salwaan Momika ayas waxa uu Tik Tok si toos ah ugu soo bandhigay gubista Qur’aanka Kariimka, kaasoo gaarey tobannaan milyan oo qof.

Dhowaan waxa uu ninkan oo u muuqda sidii qof dhimir ahaan aan fadhin, sida ay dad badani ku eedeeyeen, uu booliiska ka dalbaday rukhsado cusub oo mudaharaadyo ah oo ka dhacaya magaalooyinka waawayn sida Stockholm, Malmö iyo Örebro.

Momika ayaa u xaqiijiyey SVT in uusan hadda lacag ka heli karin Tiktok.

Hadalsame Media